About us
SANAD Education Foundation waa mu’asaso Soomaaliyeed oo ka go’an horumarinta Qur’aanka, dugsiyada hoose/dhexe & sare, iyo xirfadaha gacanta. Waxaa la aasaasay fikir ahaan sanadkii 2023, iyadoo si rasmi ah loo hirgeliyey 2025, xarunteeduna tahay Muqdisho. Mu’asasadu waxay ku dhisan tahay aragti ah in waxbarashadu ay tahay furaha horumarka bulshada, isla markaana ay tahay dariiqa lagu dhiso jiil hoggaan leh oo aqoon iyo anshax ku dhisan.
SANAD waxay diiradda saartaa barnaamijyo wax ku ool ah sida xifdinta Qur’aanka iyo tajwīdka, taakulaynta dugsiyada, tababaridda macallimiinta, kobcinta xirfadaha dhalinyarada, iyo gaarsiinta waxbarashada miyiga. Ujeeddadeennu waa in aan soo saarno muwaadin Soomaaliyeed oo leh aqoon iyo xirfad sare, isla markaana leh wadaninimo iyo muslimnimo qotodheer.